Mareykanka oo xayiraad saarey sarkaal muhiim u ah ISIL-Somalia

Image
ISIS-Soomaaliya ayaa heshay dakhli lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doolar qeybtii hore ee 2022 iyo 2021.

WASHINGTON, United States - Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay C/weli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacish garabka Soomaaliya.

Yuusuf ayaa lagu eedeeyay in uu kaalin muhiim ah ka qaatay tashkiilinta dagaalyahanada Ajaanibta ah, saadka iyo saanad uu u soo iibintay Daacishta Soomaaliya.

ISIS-Soomaaliya ayaa heshay dakhli lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doolar qeybtii hore ee 2022 iyo 2021.

Lacagtan oo ku timid qaab baad ah ayay kooxda ka uruurisay ganacsiyada gudaha, xoolaha iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda maaliyadda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM