Mareykanka: Soomaali lagu helay argagxisanimo oo lasoo tarxiilay

Image
Omer Abdi Mohamed, oo ah 38-sano jir muwaadin Soomaaliyeed ayaa dalkiisa hooyo loosoo musaafuriyey 28-kii Abriil.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa soo tarxiilay Soomaali lagu helay in uu taageero maaliyadeed u fidiyey kooxo argagixiso, sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay Hay'adda Socdaalka Ameerika.

Omer Abdi Mohamed, oo ah 38-sano jir muwaadin Soomaaliyeed ayaa, sidda ku xusan bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online, waxaa dalkiisa hooyo loosoo musaafuriyey 28-kii Abriil.

Xeerbeegti guud ayaa Maxamed ku soo oogay inuu maleegayay inuu taageero agab ah u fidiyo argagixisada iyo shirqool dil, afduub, naafayn iyo dhaawac November 19, 2009.

Waxaa lagu helay dambigaas waxaana lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo 20-sano dabagal ah. Maxkamadda Degmadda Mareykanka ee Minnesota ayaa xukunkaas ku riday May 29, 2013.

"Xukunka maxkamada socdaalka ee musaafurinta Mohamed waxa u muujineysaa kuwa doonaya in ay taageeraan argagixisanimo nooc kasta ha ahaatee in aysan ka heli doonin gabaad ama mudnaan gudaha Mareykanka," ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska ERO, Seattle Drew H. Bostock.

Wuxuu raaciyey: "Saraakiisha ERO waxay sii wadaan inay badbaadiyaan bulshooyinkayada iyagoo isticmaalaya macluumaadka ugu fiican ee la heli karo si loo helo, loogana saaro, khataraha badbaadada bulshada ee bulshadeena".

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ay sidda aadka ah ugu qulqulayaan muhaajirinta Soomaalida iyo ajaaniibta kale ah. Go'aankan wuxuu soo baxayaa iyadda oo haatan uu qulqulkaas aad u muuqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM