Mas'uul lagu dilay qarax ka dhacay caasimadda HirShabelle

Image
Falkan ayaa imaanaya xilli dhowaan uu madaxwayne Xasan Sheekh booqdey magaalada Jowhar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Kaanti ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo Sabtidii ka dhacay suuqa xoolaha ee caasimada HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa sidoo kale ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada maamulka kuwaas oo xaaladooda lagula tacaalayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli mashquul badan laga dareemayay suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar, halkaasoo Sabtidii la soo dhaafay xoolo badan laga keenayay.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano ka sameeyay goobta uu qaraxa ka dhacay balse waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxa. Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu dhacay maalmo un kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay Magaalada Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u suurta geli waayay inuu gudaha u galo magaalada, sababo la xiriira dhanka ammaanka, waxaana taasi bedelkeeda uu garoonka kula kulmay madaxda dowlad goboleedyada HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM