Mas’uuliin ka tirsan JFS iyo Galmudug oo gaaray magaalada Camaara

Image

CAMAARA, Soomaaliya - Masuuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Camaara ee gobolka mudug, halkaas oo ay dhawaan dowladda kala Wareegay kooxda ‘AS’.

Masuuliyiinta ayaa waxaa Camaara kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, kuwa Deegaanka, iyo qeybo ka mid ah bulshada deegaanka.

Taliye ku xigeenka Ciidanka lugta Cabdulaahi Aden xuseen Ciro ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay Guulihii Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanku kasoo hooyeen dagaalada ay AS kula galeen Bacadweyne, Qeycad iyo Camaara, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Ciidamada Soomaaliya ayaa dhawaan xoojiyay howlagalada ay ka fulinayaan Gobolka Mudug, iyaga oo la wareegay deegano hor leh. Dadka ka faalooda arrimaha amniga ayaa aaminsan in wax ka bedelka lagu sameeyay Istraatijiyadda ciidanka uu saameyn ku yeeshay sida uu u socda dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM