Masar oo shaacisay waqtiga la qabanayo doorashada madaxtinimada

Image

CAIRO, Masar - Guddiga doorashooyinka Masar ayaa Maanta oo isniin ah ugu baaqay codbixiyayaasha doorashada madaxtinimada ee 2024-ka in ay is diiwaan-geliyaan, iyagoo ku dhawaaqay jadwalka doorashada.

10-ka, 11-ka iyo 12-ka bishan December ayaa lagu wadaa in dalka Masar ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

Jadwalka habraaca doorashada waxa ku jira dhammaan habraacyada iyo wakhtiyada lagu qabanayo doorashada, laga bilaabo soo saarista go’aanka looga codsaday codbixiyayaasha in ay is diiwaan-geliyaan ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM