Masar oo shaacisay waqtiga la qabanayo doorashada madaxtinimada

Image

CAIRO, Masar - Guddiga doorashooyinka Masar ayaa Maanta oo isniin ah ugu baaqay codbixiyayaasha doorashada madaxtinimada ee 2024-ka in ay is diiwaan-geliyaan, iyagoo ku dhawaaqay jadwalka doorashada.

10-ka, 11-ka iyo 12-ka bishan December ayaa lagu wadaa in dalka Masar ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada.

Jadwalka habraaca doorashada waxa ku jira dhammaan habraacyada iyo wakhtiyada lagu qabanayo doorashada, laga bilaabo soo saarista go’aanka looga codsaday codbixiyayaasha in ay is diiwaan-geliyaan ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM