Maxaa hortaagan in la bilaabo soo xulista Xildhibaanada cusub ee JL?

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Xildhibaanada cusub ee Jubbaland ayay ahayd in ay diyaar noqdaan ugu dambeyn 15-ka bishii April ee sanadkaan, balse dib u dhac ayaa ku yimid, sidda uu qiray Guddiga Doorashadda.

Xamse Cabdi Barre, gudoomiyaha Guddiga Doorashadda Jubbaland, ayaa ku sababeeyay dib u dhaca caqabado haysta Odayaashii soo xuli lahaa Xildhibaanada iyo murashaxiinta qaar oo cabasho qaba.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, in murashaxiinta ay ka biyo diidan yihiin qodob ku jira sharciga doorashooyinka gaar ahaan mid xeerinaya in kaliya saddex qof ay soo xulaan Odayaasha.

Saddexda qof ee ay soo xulaan ayaa waxaa kala saaraya Guddiga doorashada, taasi oo siyaasiyiinta ay ka keeneen su'aalo ku aadan in la xulan doono "shaqsi u xaglinaya maamulka haatan jira taasi oo ah cadaalad darro".

"Qodobkaasi waa mid horey u jiray, baarlamaankana waxba kama bedelin, marka isaga ayaan ku shaqeyn doonaa, murashaxiinta waxaan ka rabnaa in ay nagu kalsoonaadaan," ayuu Xamse u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Guddiga kala saaraya saddex qof ee ay soo xulaan hogaamiyeyaasha beelaha ayaa hoostagaya midka maamulaya guud ahaan cod-bixinta.

"Inaga waxaan ku xulan doonaa qofka kartida uu leeyahay iyo shuruudaha aan soo bandhigeyno in uu kasoo bixi karo," ayuu raaciyey Xamsa, oo ka dhawaajiyay in shuruudaha ay goordhow shaacin doonaa.

Gudoomiye Xamse oo la su'aallay goorta ay bilaabaneyso soo xulista Xildhibaanada cusub oo haatan hakad ku jirta maadaama waqtiga uu gabaabsi yahay ayaa ku jawaabay: "Hadii uu ALLE idmo, goordhow".

Inta laga soo dooranayo sharcidejiyeyaasha cusub waxaa sii shaqeyn doona Golaha Wakiilada ee haatan jira, sida uu qabo sharciga doorashooyinka.

Gudoonka iyo Xogheynta Guddiga ayaa haatan ku sugan magaaladda Nairobi ee caasimada Kenya, halkaasi oo ay tababar ku saabsan doorashooyinka kusoo qaadanayaan.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Guddiga uu la kulmay qaar kamid ah murashaxiinta u taagan doorashada maamulka Jubbaland ee qaba tabashadaasi, waxayna kawada hadleen sidii loo xalin lahaa.

"Waan ku farax-sanahay in aan la kulanay, waana u sheegnay in mar kasta nala heli karo, kaliya waxa aan uga baahan nahayna ay tahay kalsooni, nasiibkuna waa halkiisii," ayuu Gudoomiyuhu daba dhigay hadalkiisa.

Sidda la fahansan yahay, murashaxiinta waxaa ku jira qaar ay gedaal ka riixeyso Madaxtooyadda Soomaaliya oo damacsan in ay meesha ka saarto Axmed Madoobe oo markii saddexaad tartamaya.

Inkasta oo ay heshiis kala saxiixdeen, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isbuucii hore ka digay falal lidi ku amaanka Kismaayo oo uu shaaciyey in laga soo abaabulayo magaala madaxda Soomaaliya.

Hogaamiyaha Jubbaland oo xafiiska jooga tan iyo 2013-kii ayaa meesha ka saarey in uu qorsheynayo muddo kororsi iyo dib u dhigista doorashada madaxtooyadda.

Is-afgaradka Villa Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa ku aadan in doorashadu ay ku qabsoonto waqtigeeda, farogelin la'aan iyo waliba in si xor oo xalaal ah ay u dhacdo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku sugan caasimada dowlada Puntland ayaa ka qaybgalay shirka dowlada federaalka iyo maamulada oo illaa iyo haatan la isla meel-dhigay dhowr arrimood. [Halkaan ka akhriso]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo qabanaya Shir kadib markii Golaha Wadatashiga Qaran u bedelay Xisbi

Shirka la filayo inuu dhaco 15-ka Juun ayaa loo arkaa inuu yahay isku day Villa Soomaaliya ay dib ugu raadineyso sharciyad siyaasadeed.

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 11:51AM

Mahad Salaad oo Dib Loogu Magacaabay Agaasimaha NISA, Qorshaha Villa Somalia oo Hirgalay

Magacaabista Mahad Salaad ayaa timid xilli uu jiray warbixin hore…

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 08:21AM