Maxaa kasoo baxay kulankii gudoomiyaha Baarlamaanka iyo mucaaradka Koonfur Galbeed?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa daaha ka rogay kulan dhaxmaray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankan ayaa looga arrinsaday heshiiskii Baydhabo iyo doorashada soo socta ee Dowlad-Goboleedka koonfur Galbeed, sida uu uga warbixyay Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ka dib shir-jaraa’id uu maanta qabtay.

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha mucaaradka ee ku aadan doorashada maamulkaasi, isaga oo xaqiijiyay in dhamaan musharaxiinta xilka madaxtinimada ay tagi doonaan Xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed si loo guda galo howlaha doorashada.

Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isku diyaarineysa doorasho Baarlamaan iyo mid Madaxtooyo-ba taas oo la soo gabgabeey doono bisha January ee sanadka 2024kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM