Maxaa sababay buuqii hareeyey fadhigii maanta ee Golaha Shacabka?

Image
Khilaafkan ayaa sababtay gacan ka hadal dhexmaray Habdhowraha Golaha & mid ka mid ah xildhibaanada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta waxaa ka dhacay fowdo & gacan ka hadal ka dhashay diidmada qaar ka mid ah Xildhibaanada ee ajandayaasha la horkeenay taasoo ugu dambeyntii keentay in kalfadhiga la xiro.

Xildhibaanada ayaa diiday in isku mar ay ka doodaan oo la isku wado Xisaab xirka Miisaaniyadda iyo Xeerka Qoondada Miisaaniyadda, iyagoo ku nuux-nuux saday inay yihiin laba arrimood oo muhiim ah oo u baahan in la kala qaado si mid kasta waqti ku filan la siiyo.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku adkeystay in mar qura laga wadahadlo labada faylal, taasoo keentay in ay kor u kacdo carrada xildhibaanada oo la wareegay habdhowrka Baarlamaanka iyaga oo si cad u muujinaya darankooda.

Fowdada ka dhalatay khilaafkan ayaa sababtay gacan ka hadal dhexmaray Habdhowraha Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan iyo mid ka mid ah xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale diiday in la qabto kalfadhi wadajir ah oo ay yeeshaan labada gole ee Baarlamaanka, iyagoo ku nuux-nuux saday in tallabadaasi ay tahay mid sharci darro ah, marka horena loo baahan yahay in lagu soo daro xeer-hoosaadka.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa ku macneeyay kala aragti duwanaanshiyahan in uu salka ku hayo xurguf siyaasadeed, maadaama baarlamaanka uu sugayo faylal badan oo xasaasi ah, oo ay ugu muhiimsan yihiin dhameystirka dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM