Maxaa u sabab ah in Soomaaliya horumar ka samayso dhaqaalaha?

Image
Sawirka Oct 2013 - AFP

MUQDISHO - Bankiga Adduunka ayaa ku ammaanay jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya kadib markii guulo muhiim ah ay ka gaartay horumarinta xasilloonida dhaqaalaha iyo horumarka xitaa iyada oo ay dhexda ka jirto caqabado amni darro oo Al-Shabaab weeraro isdaba joog ah ka geysato dalka.

Si loo xoojiyo dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, Bankiga Adduunka ayaa 75 milyan oo dollar ugu deeqay dalka, taasoo qeyb ka ah hanaanka dowlad dhisidda, iyadoo Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dowladnimo ee gudaha.

Soomaaliya ayaa la eegayaa inay u qalanto cafinta deymaha dibadda, oo gaaraya 5 bilyan oo dollar, oo inta badan laga dhaafay dalka. Dalka ayaa lagu tilmaamaa inuu meesha hoose uga jiro wadamada ugu musuq-maasuqa badan adduunka.

DF waxay ansixisay sharciyo iyo xeerar dejinaya jawi lagu kobcinayo qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha sida korontada iyo kalluumeysiga oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jiray sidii loo heli lahaa taageero dibadda ah.

Awood dhaqaale oo la taaban karo waxaa lagu xaqiijin doonaa oo kaliya haddii la helo xasillooni iyo hannaan dowladeed oo la wanaajiyo, taasoo iyana gacan ka geysan karta yareynta tafaraaruqa iyo xoojinta heshiisyada bulshada, Bankiga Adduunka oo saaxiib dhow la ah maaliyadda dalka, ayaa war uu soo saaray ku sheegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay “dagaal guud” oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, xoojinta hay’adaha dowladda iyo abuurista jawi wanaagsan oo maalgashadayaasha Soomaaliya ku dhiiran karaan. In ka yar hal sano oo uu xilka hayo, deeqda Bangiga Adduunka ayaa guul weyn u ah maamulkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM