Soomaaliya: Maxay ka soo saareen Gollaha wasiirada khilaafkii Boosaaso?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, waxaana shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Axmed Karaash. Shirkan oo looga hadlay arrimo dhowr ah ayaa diirada lagu saaray doorashadii dhawaan ka dhacday degmada Boosaaso.

Kulanka oo ahaa mid aad u adag ayaa wasiiradu isku maandhaafeen in la ansixiyo mid ka mid ah doorashada ay qabteen labada garab ee isku haya guddoonka degmada Boosaaso & in la buriyo doorashada labada dhinac maadaama ay jabiyeen habraaca ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in uu diiday doorashadii golaha deegaanka degmada Boosaaso oo ay qabteen ururada la shaqeeya dowladda, taasoo ansixiyay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kulan.

Geesta kale, wasiirro ku dhow dhow maamulka talada haya ayaa ka biyo diiday talada wasiirka, waxaanay ku nuuxnuuxsadeen in habraaca loo maray doorashada ay qabteen ururada isbaheysiga kula jira dowladda uu waafaqsan yahay dhammaan shuruucdii lagu dhisay degmooyinka kale.

Goluhu waxa ay isku raaceen in go’aan laga sugo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Siciid Cabdullaahi Deni, ilaa inta uu dalka dib ugu soo laabanayo, si uu loo xaliyo arrintan oo jab ka dhax abuurtay xubnaha Golaha Wasiirada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM