Maxay kala yihiin qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay Shirka Mucaaridka Puntland?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Siyaasiyiintii mucaaridka ee ka qeyb galay shirkii wadatashiga ee 11-kii iyo 12-kii bishan ka socday magaalada Caasumada ee Garowe ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo muhiim ah.

War saxaafadeedka ayaa si kulul loogu dhaleeceeyay siyaasadii Madaxweynaha dhawaan xilka kasii degaya Siciid Deni, taasoo ka qayb qaadatay in Puntland ay ka go’do dawladda Faderaalka iyo Caalamkaba, sidoo kalena qayb ka qaatay kala qaybinta shacabka Puntland.

Kutladda mucaaradka ayaa ku heshiiyaan qodobada soo socda:

1- Diidmada wax ka bedelka dastuurka iyaga oo ku tilmaamay in aanay loo marin habraac sax ah.
2- Waxay diideen muddo kordhin kasta oo loo sameynaayo hay’adaha dowladda.
3- Waxay ku baaqeen in lagu qabto doorashada hanaankii loo mari jiray ee 66dii xildhibaan.
4- Shirka ayaa ugu baaqay Isimadu in ay doorkooda ka qaataan arrimaha doorashada oo ay soo doortaan xildhibaanada.
5- Shirka ayaa taageero lagu muujiyay maamulka SS-Khaatumo & guulaha ay gaareen, iyagoo ku booriyay in la tixgeliyo rabitaankooda.
6- Shirka ayaa lagu soo dhaweeyay dadaallada dowladda Federaalka ay kula dagaalamayso kooxda AS.

Ugu dambeyn, siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay inay aasaaseen dallad cusub oo loogu magacdaray “Dalladda Mucaaridka Puntland” oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Ururrada & Goleyaasha mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM