Maxkamadda Ciidamada oo 10 sano ku xukuntay Sarkaal ka tirsanaa ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye)10 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) ayaa lagu soo eedeeyay in uu ‘AS’ u qaabilsanaa Maaliyadda Lacagaha baadda ah.

Waxa uu ku biiray 2013kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn. Waxaana la sheegay in uu mushaar ahaan u qaadan jiray 150-200$ bishii.

Waxa laga soo qabtay deegaanka Baraak-Ciise ee gobolka Mudug Todobadii bisha July ee sanadkan.

Xaashi iyo Xubin kale oo la socday ayaa watay laba qori AK 47 ah iyo mooto Fikon waxa ayna ka yimaadeen Baraak-Ciise ee u dhow deeganka Bacaadweyn.

Dagaal dhaxmaray isaga iyo ciidamada amaanka ka dib, Xaashi ayaa ku dhaawacmay isla markaana gacanta lagu soo dhigay, halka uu geeriyooday nin kale oo la socday.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM