Maxkamadda Ciidamada oo xukun ka soo saartay General Sheegow & kooxdiisa

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku xukuntay Sheegow Axmed Cali Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.

Sidoo kale, Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed) Taliyaha Ciidamada Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah. Abii Axmed ayaa laba eedeysane ku dilay Maxkamad ku taal magaalada Jowhar 13dii February ee sanadkan.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 18 kale oo isla kuwii dagaalamay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Deeqow oo ahaa maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo xabsi ciidan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM