Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida oo dil ku xukuntay xubin ka tirsanaa ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ka soo saartay Xamsa Jeylaani Cabdullaahi oo ka tirsanaa ‘AS’.

Xamsa ayaa lagu helay danbi ah inuu dilay Xasan Cismaan Cali oo ahaa taliyihii ciidamada nabad ilaalinta ee deegaanka Buufoow bacaad ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilkan ayaa u dhacay Miino loogu xiray gaarigii uu watay Xasan Cismaan, taasoo keentay inuu ku geeriyoodo. Xamsa ayaa sidoo kale deganaa guriga taliyaha ee magaalada Marka, maadaama ay qaraabo ahaayeen.

Sida Maxkamadda ay sheegtay, Xamsa oo 23-sano jir ah ayaa ka soo jeedo deegaanka Janaale, waxaana uu horay ugu soo shaqeeyay Mooto nooca Fekon loo yaqaan, ka hor inta uusan ku biirin dagaalyahanada ‘AS’.

Kiiska ka dhanka ah Xamsa ayaa la soo gabagabeeyay 28-kii bishii August ee sanadkan, iyadoo ugu dambeyn Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM