Maxuu kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha ciidamada ku sugan Aadan Yabaal?

Image
Image
Image

AADAN YABAAL, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo hadal u jeediyey cutubiyo ka tirsan ciidanka xoooga dalka ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya dagaalka lagula jiro xoogaga al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, waxaad u dhimanaysaan, u-gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dal walba uusan horumar gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo oo isku dhigaya cadow walba oo soo hujuuma qaranka, isla markaana u sabraya duruufo walba oo soo food saara, sida uu hadalka u dhigay.

Xamse Cabdi Barre ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan dagaalka inta dhamaan dalka laga xoreynaayo al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ciidanka qaranka ay u muujiyaan garab istaag.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay odayaasha dhaqanka xaaladdaha bulsho ee ka jira degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow. Waxuuna sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay adeeg-gaarsiinta deegaanda la xoreeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM