Midowga Yurub oo 140 Milyan ku caawin doona Haweenka Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan - Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay ​​siin doonaan Afgaanistaan kaalmo ku kacaysa 140 milyan oo Yuuro, taas oo loogu talagalay in lagu wanaajiyo xaaladaha nololeed ee haweenka iyo gabdhaha, kaddib markii ay xaqiijiyeen in kaalmadan ay gaari doonto.

Ururka ayaa xayiray gargaarkan tan iyo bishii December ee la soo dhaafay, ka dib markii maamulka talada haya ee Taliban ee dalka ay go'aansadeen in ay ka hortagaan haweenka Afgaanistaan ​​​​inay u shaqeeyaan hay'adaha aan dowliga ahayn.

Guddiga Yurub ayaa xaqiijiyay in lixdii bilood ee la soo dhaafay gar-gaarka bini'aadantinimo uu si dhab ah u gaaray jiray haweenka haweynka loogu tala galay..

waxa uu carrabka ku adkeyay in gargaarka Midowga Yurub la sii marin doono hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo kuwa aan dowliga ahayn, iyadoo aan la soo marin maamulka Taliban.

Gargaarkan ayaa la filayaa in uu ka caawiyo wiilasha iyo gabdhaha Afgaanistaan ​​ku nool inay helaan waxbarasho tayo leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM