Muqdisho: Aaladaha Baraha Bulshada qaar oo la filayo in maanta la xiro

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo isticmaalka aaladaha kala ah TikTok, Telegram, iyo 1XBET. Go'aankani waxa uu kiciyay falcelin kala duwan, iyada oo dadka qaar ay caddeeyeen baahida loo qabo in lala dagaallamo anshax-xumada halka kuwa kale ay diirada saarayaan isticmaalka togan ee barahan.

Dowladda ay ku adkeysaneyso go’aanka ay ku mamnuucday Telegram-ka, iyadoo sabab uga dhigaysa walaaca laga qabo faafinta muuqalada anshax xumada ah, gaar ahaan kuwa si qarsoodiga ah looga duubo gabdhaha Soomaaliyeed.

Halka mamnuucidda 1XBET ay salka ku hayso inuu yahay aalad khamaar ah, loona
arko mid bulshada wax u dhima.

Halka kuwa Dowladda kaga soo horjeeda go’aankan ayaa ku doodaya in TikTok iyo Telegram ay yihiin aalado laba Afle ah, oo yeelan kara labada saameyn mid togan iyo mid taban.

Telegram, gaar ahaan, waxaa difaacay dad badan kuwaas oo xoogga saaraya dabeecadiisa wax ku oolka ah. dadka isticmaala ayaa ku doodaya in uu bixiyo adeegyo kala duwan, laga bilaabo fududeenta waxbarashada iyo akhriska ilaa koorsooyinka akadeemiyadeed. Dadkaas ayaa u arka Telegram-ka inoo yahay ilo waxbarasho oo muhiim ah oo ka weyn bar dadka ay ku wada xiriiraan oo kaliya.

Senator Maryam ee ka tirsan Aqalka Sare ayaa sidoo kale ka soo horjeeda mamnuucista Tiktok, ayaa hoosta ka xariiqday faa'iidooyinka ka dhalan kara TikTok, iyadoo muujisay sida ay fursado shaqo u siisay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, kana leexisay tahriibka.

Puntland ayaa sidoo kale jawaab ka bixisay qorshhahan ay dooneyso dawladda federaalka inay hirgeliso, ka dib marka uu Wasiirka Warfaafinta uu ku dhawaaqay in uu diiday in la dhaqan geliyo xayiraadaasi.

Diidmada awaamiirta Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabada hortaagan in guud ahaan dalka si isku mid ah looga dhaqan geliyo xayiraadaas.

Sida ku cad go’aanka dowladda oo ay soo saartay Wasaarada Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda, waxaa la filayaa in Maanta laga dhaqan geliyo mamnuucidda magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM