Muqdisho: Askari Bam gacmeed ku tuuray maqayaad ay leedahay hooyo soomaaliyeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu bam gacmeed ku weeraray milkiilaha Maqaayadda oo lagu magacaabo Hooyo Cudbi, kadib muran xooggan oo soo kala dhex galay.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii uu Askarigaasi booqday Maqaayada, isla markaana uu qado ka dalbaday Hooyo Cudbi oo la sheegay inay ku lahayd lacag.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah xaaladda ayaa si deg deg ah u sii xumaatay, taasoo keentay in askariga uu bam ku tuuray Hooyo Cudbi ka hor inta uusan goobta ka baxsan.

Qaraxan ayaa burbur xooggan u geystay maqaayadda, waxaana ku dhaawacmay Hooyo Cudbi iyo labo gabdhood oo ay qaraabo yihiin.

Dadka dhaawaca ah ayaa isla markiiba loola cararay isbitaal halkaasi ka ag dhawaa si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Ciidamada dowladda ayaa hadda wada baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxaana ay si weyn u baadi goobayaan askariga ka tirsan ciidamada dowladda ee falkaan geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM