Muqdisho: Dhageysiga dacwad loo haysto ajaaniib oo lasoo afjaray

Image
Kalluumeysatada ayaa waxaa bishii April laga soo qabtay biyaha Soomaaliya ayaga iyo doomo ay wateen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho, waxaa lagu soo gaba gabeeyay dhageysiga dacwad loo heystay 36 kalluumeysato ah oo u kala dhashay wadamadda kala ah Iran iyo Pakistan.

Ajaaniibtan ayaa waxaa lagu waramay in lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha Soomaaliya gaar ahaan qeybta kheyraadka ugu badan yaallo.

Kalluumeysatada ayaa, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan oo u dhuun-daloola kiiska, waxaa bishii April laga soo qabtay biyaha Soomaaliya iyo doomo ay wateen.

Haddii lagu helo dambiga waxaa lagu xukumi karaa xabsi, ganaax ama labadaba. Sawirrada kalluumaysatada iyo mid ka mid ah doomihii ay wateen oo ku xayiran dekedda Muqdisho ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

C/laahi Caddow, Agaasimaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyay maxkamadeynta.

"Maraakiibta kalluumeysiga ee Iran oo ay saaran yihiin 36 shaqaale ah ayaa la xiray 10/4/23. Kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo wargelin iyo sharci la'aanta (IUU) ee ka kalluumeysiga biyaha Soomaaliya waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan haqab-beelka cuntada, horumarinta dhaqaalaha, madax-bannaanida iyo deegaanka badda Soomaaliya." ayuu yiri.

"Tani waa markii ugu horreysay oo ay la kulmaan tallaabo dhaqangelin ah oo sidan oo kale ah oo ay qaadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya," ayuu Cadow hadalkiisa ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo sheegay in tallaabo militari ay suurtagal tahay inuu ka qaado Somaliland

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka iyo xal siyaasadeedku ay yihiin ikhtiyaarka koowaad ee dowladda.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:55PM

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM