Muqdisho: Dhinacyo aan haybtooda la garan oo beegsanaya Shirkad Isgaarsiin ah

Image
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weeraradan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lala beegsaday booyad siday shidaal oo ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaasi oo marayay xaafadda Waxarcade ee degmada Heliwaa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan uusan geysan khasaare nafeed, balse waxaa gabi ahaan burburay booyaddii iyo shidaalkii saarnaa, sida sawirro laga soo qaaday goobta ay muujinayaan.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xilli labo maalin un ka hor qarax kale lala beegsaday gaari ay isla shirkaddaasi leedahay oo isla goobtaasi ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weeraradan, iyadoo laamaha ammaanka dowladda aysan u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaasha.

Dhacdadan ayaa walaac ku abuurtay amniga iyo xasiloonida Muqdisho, waxaana la is weydiinayaa sababaha ka dambeeya beegsiga joogtada ah ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM