Muqdisho oo laga qaban doono doorsho dadweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in Gobolka Banaadir ay ka dhaceyso doorasho dadweyne, halkaasoo dadka ku nool caasimadda ay dooran doonaan guddoomiyeyaashooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in 30-ka bisha June ee sanadka soo socda la qaban doono doorashada Golaha deegaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

“Muranka ka taagan Muqdisho waligii buu jiray, Waxaana rajeynaa in gobolkan wuu noqodo gobol xassilloon”. ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabadan ay sare u qaadi doonto isla xisaabtanka, isaga oo carabka ku adkeeyay in shacabka Muqdisho ay dooran doonaan gudoomiyaasha degmooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM