Muqdisho: Xerada Jaalle Siyaad oo markii 2-aad la weeraray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Saaka qarax ka dhacay afaafka hore ee xerada Jaalle Siyaad ee ku taal magaalada Muqdisho, waxaana la warinaya inay jirto khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,

Nin naftii halige ah ayaa ku guulaystay in uu gudaha u galo xerada, isaga oo doonayay in uu beegsado ciidamo halkaas ku sugnaa.

Laamaha amaanka ayaa isla markii ka hor tagay ninkaan inta uusan gaarin goobta uu bartilmaameedsanayay, iyaga oo ku furay rasaas, markaas oo is qarxiyay.

Dowladda ayaan wali war rasmi ah ka soo saarin dhacdadan, iyada oo qaar ka mid ah saraakiisha amaanka ay wariyeen inay jiraan dhaawacyo badan.

Qaraxaan ayaa ah kii labaad ee ka dhaca xeradan, iyado oo qaraxii hore ay ku dhinteen tira badan oo ka mid ah ciidanka.

Baarlamaanka ayaana la hor keenay kiiskan, iyaga oo ka dooday sida ay ugu suurtagashay ninka isqarxiyay inuu gudaha u galo xerada oo amaankeedu la adkeeyay, halka ay mas’uuliyiin badan ay xilkeedii ku waayeen falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM