Muxuu ka hor sheegay madaxweynaha Golaha Wasiirrada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay dadaaalada xukuumadda kuna baaqay inay laba jibaaraan dadaallada ku aaddan maaraynta iyo samatabixinta muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaaduhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaan waxa ugu muhiimsan ay tahay in la badbaadiyo nolosha shacabka Soomaaliyeed, sida ku xusan qoraal lagu daabacay warbaahinta Dowladda.

“Golaha Wasiirada maanta Mas’uuliyad baa ka saaran in la badbaadiyo nolosha shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay shaqada ay waddo Hay’adda SoDMA, isagoo dhanka kalena ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay fatahaadaha ka dhashay roobabkii ka da’ay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan maanta ka sheegay kulan deg deg ah oo uu la qaatay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay saameynta roobabka ka da’ay dalka iyo sidii loo samatabixin lahaa dadka ay waxyeelada soo gaartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM