Muxuu ka hor sheegay madaxweynaha Golaha Wasiirrada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay dadaaalada xukuumadda kuna baaqay inay laba jibaaraan dadaallada ku aaddan maaraynta iyo samatabixinta muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaaduhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaan waxa ugu muhiimsan ay tahay in la badbaadiyo nolosha shacabka Soomaaliyeed, sida ku xusan qoraal lagu daabacay warbaahinta Dowladda.

“Golaha Wasiirada maanta Mas’uuliyad baa ka saaran in la badbaadiyo nolosha shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay shaqada ay waddo Hay’adda SoDMA, isagoo dhanka kalena ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay fatahaadaha ka dhashay roobabkii ka da’ay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan maanta ka sheegay kulan deg deg ah oo uu la qaatay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay saameynta roobabka ka da’ay dalka iyo sidii loo samatabixin lahaa dadka ay waxyeelada soo gaartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM