Muxuu ka sheegay Ra’iisul Wasaaraha kulan ka dhacay Qaramada Midoobay?

Image
Image
Image

NEW YORK, Mareykanka - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso gaarista Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs).

“Inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin faqriga, colaadaha iyo isbeddelka cimilada, haddana dawladdu waxa weli ka go’an sidii ay dalka ugu soo dabbaali lahayd amni, xasillooni iyo horumar.” Ayuu yiri mudane Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9) ay la jaan qaadayso Himilooyinka Horumarka Waara SDGs, taasoo keentay in 15% hoos u dhac ku yimaado saboolnimada ka jirta dalka tan iyo sanadkii 2017.

Dawladdu ayaa qorshaynaysa inay maalgeliso waxbarashada, wanaajiso helitaanka fursadaha waxbarasho iyo inay xoojiiso dadaallada lagu kordhinayo wax soo saarka beeraha iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan ciribtirka tacadiyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed iyo sare u qaadida hoggaankooda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM