Muxuu ka yiri Cali Jeyte mashruuca “Hiiraan State”?

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka jawaabay su’aalo ay shacabku ka weydiiyeen mowqifkiisa ku aaddan xilka dowladeed ee loo magacaabay.

Cali Jeyte ayaa soo hadal qaaday maamulka "Hiiraan State" oo aysan dowladda aqoonsaneyn oo uu madaxweyne isugu magacaabay.

Waxa uu sheegay in uusan ka tanaasulin fikradda maamulka, isla markaana aysan ku koobneyn isaga oo keliya, isagoo carabka ku adkeeyay in saaxiibadiisa siyaasadeed ay sii wadi doonaan howlaha maamulka.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay magacaabista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xilka u qeybsanaha Xafiiska Ciidamada Deegaanka "Macawisleyda".

Cali Jeyte ayaa la wareegay Madaxtinimada maamulkaas uu ugu magac daray Hiiraan State ka dib xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Waxaana uga sii horreeyay isku daygaas Generaal Xuud oo heshiis siyaasadeed oo la galay dowladdii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo awgiis isaga tanaasulay maamulka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM