Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri heshiiskii Itoobiya & Somaliland?

Image
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay xoojineyso saameynta fikradaha xagjirka ah ay ku leeyihiin bulshada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka hor jeediyey Baarlamaanka, waxaanu si adag uga hadlay faragelinta gurracan ee ay Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha dalka, ka dib heshiiskii afgaradka oo ay dhawaan la yeesheen Somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Wixii dhacay 1-dii Janaayo waxa ay jebinayaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, mana noqon karaan kuwoo dhaqan gala .”

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal [Soomaaliya & Itoobiya] ay ahaayeen kuwo deris ah qarniyaal badan, taariikhda ka dhaxeysana ay astaan u ahayd colaado iyo burbur.

“Jamhuuriyadda 3-aad ka dib, Ummadda Soomaaliyeed waxay qaadatay jihada nabadda iyo la wada noolaanshaha dalalka deriska ah, kamaanaan shaqayn in la kala qaybiyo shacabka Itoobiya, balse nasiib darro, waxaa dhacay wax aan Itoobiya maanta ka filaynay ma ahan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in tallaabadani ay xoojineyso saameynta fikradaha xagjirka ah ay ku leeyihiin bulshada, lagana yaabo in Khawaarijtu ay si khaldan uga faa’ideystaan.

Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay u si wadajir ah ugu midowbaan difaaca midnimada Dhuleed ee dalka iyo madaxbanaanida Qaranka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya saacado ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday in maamulka Somaliland ay la saxiixatay heshiis sharci darro ah oo qeexaya in ay deked ka sameysato badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM