Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri Shirka Amniga Soomaaliya?

Image
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisayayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Shirka: “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon, oo leh hay'ado amni oo si buuxda ula wareega mas'uuliyadda sugidda amniga dalka.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM