New York oo martigelinaysa shir lacag loogu uruurinayo Soomaaliya

Image
Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

NEW YORK, USA - Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1: Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2: Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3: Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka

Kulankan oo ah mid dhaqaale loogu uruurinayo Hay'adaha Ammaanka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya ka gadaal markii dalka laga qaadey cunaqabateyntii hubka taasoo saarneyd tan iyo sanadkii 1992-dii.

Sikastaba ha ahaatee, is-aragan ayaa sdoo kale waxa uu kusoo hagaagayaa xilli lagu wado in Soomaaliya laga cafiyo deynta gaareysa in ka badan 5-ta bilyan taasoo ay ka dhaafayaan dowladdo uu Mareykanka ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM