Nin Soomaali ah oo lasoo taagay maxkamad ku taalla dalka Malta

Image
36-sano jirkan ayaa waxaa lagu waramay in loo haysto in uu sameeyay isku-day fal kufsi ah.

VALLETTA, Malta - Nin 36 sano jir ah oo u dhashay Soomaaliya ayaa damiin looga sii daayay xabsi ku yaalla waddanka Malta kadib markii xilli lagu soo oogay dacwad ah in uu kufsi geystay bishii lasoo dhaafay.

Ninkan oo magaciisa loo qariyey sababo dhanka badqabka sumcadiisa ah, ayaa waxaa la horgeeyay garsoore Astrid May Grima ee Gozo Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in ninkan uu daba socday dhibbanaha la sheegay in ay iskeed ugu socotay gaarigeeda Sabtidii 19-kii February intii u dhaxeysay 3:00am iyo 4:00am subaxnimo ka dib markii ay ka soo baxday dabaal dagga.

Sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, haweeneyda ayaa kadib markii ay ogaatay in lagu daba jiro ayay isku dayday in ay cararto balse eedaysanaha "wuu qabtey kadibna faroxumeeyay".

Dib u dhaca ku yimid soo qabashada eedaysanaha ayaa la fahamsan yahay in ay qeyb ka tahay iyadoo ay adkeyd in laga garto muuqaalada CCTV-ga ee la qaaday xilli danbe oo habeenimo ah.

Isbatoore Josef Gauci ayaa 36-jirkan ku soo oogay kufsi iyo in uu ku kacay fal galmo ah oo aan raali laga ahayn oo uu kula kacay haweeneyda oo lagu waramay in ay dhaawac soo gaartey.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale waxa uu wajahayaa dacwad ku saabsan inuu galay gef ka dhan ah asluubta iyo anshaxa guud. Ninkan ayaa qirtay inuusan wax dambi ah gelin, waxaana lagu sii daayay xabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM