Ninkii ku dhaawacmay qaraxii Xero Nacnac oo la ogaaday qoyskiisa

Image
Cumar ayaa lagu muransanaa qofka uu hayo ka dib dhaawac qarax ka soo gaaray.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cumar Cali Axmed ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay xero Nacnac ee magaalada Muqdisho, waxaana qoyskiisu ay rumeysanaayeen inuu ku dhintay qaraxaas.

Kadib markii laga daweeyay dhaawacii cuslaa ee soo gaaray ayaa waxaa lagu muransanaa qofka uu hayo, Cumar ama Cabdisamid oo muuqaal ahaan aad isu ekaa, labadoodana lagu waayay qaraxii Xero Nacnac iyaga oo doonaya inay ku biiraan Ciidanka Xooga Dalka.

Labada qoys ee isku haystay haybta Cumar ayaa ku adkaystay go’aankooda, ilaa ay dacwaddu soo gaartay maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo ka qaaday dheecaanka hidda sidaha (DNA).

Waxaa natiijada Baarista la sugayay muddo 3 Todobaad ah, iyada oo maanta soo baxday laguna ogaaday in uu ka dhashay reer Cali Axmed, sidaasina ay maxkamaddu ku wareejisay qoyskiisa.

Haweeney lagu magacaabo Fartuun ayaa caafimaadka Cumar wax ka qabatay inta uu ka maqnaa ehelkiisa, iyadoo aaminsan inuu yahay wiilkeeda, ilaa lagu dhawaaqay go’aanka maxkamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM