Qadar iyo Masar oo garab-istaag u muujiyay Dowlada Soomaaliya

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa xilli uu jiro daan-daansi ka imaanaya dowladda Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal. 

Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM