Qatar Charity oo mashruuca Zakaatul Fidriga ka daahfurtay Muqdisho

Image
Image
Image
Mashruucaan ayaa ah mid ka faa'iideysan doonan ku dhowaad 6,000 qoys oo ku nool Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin iyo safiirka dowladda Qadar ee dalkeenna Soomaaliya, Dr Cabdullah Salem Al-Nuaimi, ayaa daah-furay Mashruuca Zakaatul Fidriga.

Daahfurka oo ay goobjoog ka ahaayeen mas'uuliyiin kala duwan ayaa Axada maanta ah waxa uu ka dhacay xarunta safaaradda Qadar ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mashruucaan oo ah mid ku dhowaad 6,000 oo qoys ay ka faa'iideysan doonan Zakaatul Fidri ayey hay’adda Qadar Charity ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Mogadishu.

Madaxa Xafiiska Haya'dda Qatar Charity ee Soomaaliya, Cabdifitaax Aadam Macalim, ayaa tibaaxay in dadka ka faa'iideysan doona mashruucan ay ku nool yihiin degmooyinka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha hay’adda Marayanta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macalin oo goobta kula hadlay warbaahinta madaxa-banaan ayaa Dowladda Qatar waxa uu kaga mahadceliyay sida ay markasta u garab taagantahy Shacabka Soomaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM

Shiinaha oo ka hadlay dib u dhaca booqashada Wasiir Wang Yi ee Muqdisho

Bayaan ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho soo dhigtay fiidnimadii Jimcaha, ayay Beijing ku sheegtay in la beddelay jadwalkii safarka Wang Yi.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 07:36AM