Qodobo laga soo saarey Shirkii maaliyadda ee Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Shirkii maaliyadda ee madaxweyne Axmed Madoobe uu maanta ka furay Kismaayo, caasimadda Jubaland, ayaa laga soo saarey qodobo.

Kulankaas ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda xubinta ka ah.

Qodobadda diiradda lagu saarey is-araggaas ayaa waxay kala ahaayeen maareynta maaliyadda dadweynaha iyo hanaanka deyn cafinta.

Gunaanudka kulankaan ayaa waxaa laga soo saarey war-saxaafadeed ay ku cad yihiin saddex qodobo oo la sheegay in dhinacyadda ay soo jeediyeen.

Qodobadda ay isla meel-dhigeen ayaa kala ah;

-Kala saaridda awoodaha dakhli uruurinta
-Hanaanka qoondeynta dakhli uruurinta
-Xafiiska hanti dhowrka guud

Sikastaba, shirkaan ayaa muujiyey in dowladda federaalka "ku khasbanaatey" in ay la shaqeyso maamulka Axmed Madoobe kadib cadaadis Beesha Caalamka uga yimid.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM