Qodobo laga soo saarey Shirkii maaliyadda ee Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Shirkii maaliyadda ee madaxweyne Axmed Madoobe uu maanta ka furay Kismaayo, caasimadda Jubaland, ayaa laga soo saarey qodobo.

Kulankaas ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda xubinta ka ah.

Qodobadda diiradda lagu saarey is-araggaas ayaa waxay kala ahaayeen maareynta maaliyadda dadweynaha iyo hanaanka deyn cafinta.

Gunaanudka kulankaan ayaa waxaa laga soo saarey war-saxaafadeed ay ku cad yihiin saddex qodobo oo la sheegay in dhinacyadda ay soo jeediyeen.

Qodobadda ay isla meel-dhigeen ayaa kala ah;

-Kala saaridda awoodaha dakhli uruurinta
-Hanaanka qoondeynta dakhli uruurinta
-Xafiiska hanti dhowrka guud

Sikastaba, shirkaan ayaa muujiyey in dowladda federaalka "ku khasbanaatey" in ay la shaqeyso maamulka Axmed Madoobe kadib cadaadis Beesha Caalamka uga yimid.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM