DF oo ku “khasbanaatay” inay la shaqeyso maamulka Axmed Madoobe

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Iyadoo Soomaaliya ay ka socdaan dedaallo beesha caalamka ku lug leedahay oo dib u habeyn loogu sameynayo arrimaha maaliyadda iyo amniga, ayaa dowladda Federaalka ku khasbanaatay in ay la shaqeyso maamullada ka jira dalka.

Xilli ay dowladda Federaalka diidan tahay inay la shaqeyso hogaanka maamulka Jubbaland, Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa kasoo muuqday shaashadaha isagoo dhiniciisa fadhiyo Madaxweyne Axmed Madoobe furitaanka shirka maaliyadda.

Kulanka ayaa isagu yimid wasiiradda maaliyadda maamullada Federaalka iyo dowladda dhexe, iyagoo kawada hadlaya arrimaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka deyn cafinta ee socda.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa ka fogaatay inay baahiso muuqaalka Axmed Madoobe iyo sheegidda Magaciisa mar ay ka hadlaysay shirka ka furmay maanta magaaladda Kismaayo, taasoo muujinaysa in Villa Soomaaliya wali aysan ogoleyn la shaqeyta hogaanka Jubbaland.

Beesha caalamka, gaar ahaan saaxiibadda Soomaaliya [International partners] ayaa ku baaqey in dowladda Federaalka in ay si la shaqeyso maamullada, si ay u mira-dhalaan qorshaha deyn cafinta, dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga.

Iyadoo fulinaysa dalabkaaas, dowladda Federaalka ayaa billowday in ay la sameyso wadashaqeyn dhaw dhamaan dowlad goboleedyada, oo ay ku jiraan kuwa khilaafka siyaasadeed kala dhaxeeyo.

Waxaa dhawaan safarro wada-tashi ah ku tagey dhamaan caasimadaha maamullada Federaalka, wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan, iyadoo ay kulamo ku saabsan doorashooyinka 2020-2021 la yeesheen Madax uu kamid yahay Axmed Madoobe.

Beesha caalamka ayaa sheegtay inaysan ka hirgelin karin Soomaaliya doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo uu jiro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamullada, islamarkaana aan la dhameytirin dastuurka oo muhiim u ah xalinta arrimaha ay madaxda isku khilaafsan yihiin.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in lagu cadaadiyay inaysan siyaasadeynin arrimaha deyn cafinta iyo dib u habeynta amniga, maadaama ay muhiim u yihiin dib-u-soo kabashada wadanka.

Sanadkan soo socda ee 2020 ayaa dalka geli doonaa marxalad kala guur ah, oo la isku diyaarinayo doorashooyinka baarlamaaniga iyo mida Madaxweynaha, iyadoo aan wali jirin nidaam la isku raacay.

Siyaasiyiin ayaa ka digay in ay dhacdo mudo-korarsi ay sameeyaan madaxda hadda talada dalka haya, iyadoo beesha caalamka bayaan ay soo saartay ku boorisay saamilayda siyaasadeed inay miiska wadahadalka isagu yimaadaan, si ay go’aan wadajir uga gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta 2020-2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM