Qof ku dhaawacmay diyaarad ku burburtey garoonka Muqdisho

Image
Wadar ahaan, 34 qof ayaa saarnaa diyaaraddan oo ka timid caasimada Puntland ee Garowe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa waxa uu ku dhaawacmay shil diyaaradeed oo Talaadada maanta ah ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shilkan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii diyaarad nooceedu ahaa E120 isla markaana u shaqeyneysay shirkadda Halla Airlines ay burburtey xilli ay ku ordeysay dhabaha caga-dhigashadda.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu caddeeyay in diyaaraddan ay ka timid magaalada Garowe isla markaana ay saarnaayeen wadar ahaan 34 ruux.

Afar kamid ah dadka la socdey diyaaradda ayaa ahaa shaqaalaha oo uu ku jiro duuliyaha halka 30-ka ruux kalana ay ahaayeen rakaab kuwaas oo badankooda ahaa dad shacab ah.

"Waxaan bilownay baaris ku saabsan waxa sababay shilkan diyaaradeed," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka hay'adda duulista rayidka kaas oo aan lagu bixin fahfaahin dheeraad ah.

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-ga ayaa muujinaya gaadiidka gurmadka degdeg ah oo kusoo cararaya meesha ay wax ka dhaceen si ay caawiyaan rakaabka waxyeelada gaartey.

Sanadkii hore bishan oo kale, diyaarad ay leedahay shirkadda Jubba Airways ayaa ku burburtey madaarka Aadan Cadde xilli ay dooneysay in ay soo caga-dhigtey. 33 rakaab ayaa saarnaa waxayna ka timid gobolka Baay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM