Qorshe horumarin oo loo diyaarinayo garoomada Soomaaliya

Image
Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay ka gadaal dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.

Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya Hay'adda Duulista Rayidka ah oo ay meel mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suuraglisay in hay'addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay'adaha dhiggooda ah ee adduunka, iyada oo hay'addu sameynaysay sannadihii dhawaa horumaro kala duwan.

Xamse oo bogaadiyey horumarka ay sameysay Hay'adda Duulista Rayidka ah, ayaa sheegay in hay'addani ay ahmiyad gaar ah u leedahay qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxuuna intaas ku daray in xukuumaddu ay ka shaqeynayso horumarinta garoomada dalka.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay Hay'adda Duulista Rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, isla markaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka, taas oo ah guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM