Ra’iisul wasaaraha oo booqday degmada Aadan Yabaal

Image
Image
Image

AADAN YABAAL, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta booqasho ku tagay degmada Aadan Yabaal ee ku taala gobolka Shabeelaha dhaxe kana mid ah deegaanadii wajiga 1aad looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hoggaanka ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan degmada.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda socdaalkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka loogu dhiirigelin lahaa dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey in xubin sare oo kamid ah dowlada Federaalka booqan doono ciidamada dowlada Federaalka ee ku sugan furumaha. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu wax uga ogaado isbadalka ka dhacay degmada mudadii ay gacanta dowladda ku jirtay.

Booqashadan ayaa ka horreyso kuwoo kale oo madaxda dalka ay ku tagayaan deegaanada laga saaray argagixisada si ay u garab istaagaan ciidamada, kuna ogaadaan baahiyaha ay qabaan bulshada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM