Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan ku saabsan Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay hirgelinta isbeddel muuqda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii labaad ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta isbeddel muuqda oo saameeya hannaanka shaqo iyo waxqabad ee nidaamka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay qorshahan geliyeen Khubaro ka kala socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo 15 Wasaaradood kuwaa oo dhowaan u tagay dalka Malaysia barnaamijka casriyeynta dowladnimada iyo isbeddelka Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu faray Golaha in laga shaqeeyo hababka cusub ee lagula soconayo waxqabadka wasaaradaha, iyadoo la furi doono xarun dhexe oo lagu curin doono barnaamijyada hortabinta u leh horumarinta Qaranka oo ay ka hawlgali doonaan Khubaro kala duwan oo dowladda ka tirsan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM