Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan ku saabsan Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay hirgelinta isbeddel muuqda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii labaad ee Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta isbeddel muuqda oo saameeya hannaanka shaqo iyo waxqabad ee nidaamka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay qorshahan geliyeen Khubaro ka kala socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo 15 Wasaaradood kuwaa oo dhowaan u tagay dalka Malaysia barnaamijka casriyeynta dowladnimada iyo isbeddelka Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu faray Golaha in laga shaqeeyo hababka cusub ee lagula soconayo waxqabadka wasaaradaha, iyadoo la furi doono xarun dhexe oo lagu curin doono barnaamijyada hortabinta u leh horumarinta Qaranka oo ay ka hawlgali doonaan Khubaro kala duwan oo dowladda ka tirsan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM