Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre: "Waxaan jabinay darbi weyn"

Image
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa ka hadlay munaasabad ka dhacdey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadal ka jeediyey Munaasabadda guusha taariikhiga ee qaadista Cuna-qabataynta hubka Soomaaliya.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey cid walba oo kaalin ka qaadatay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka

“Mar walba oo aan guul gaarno waxa ay ku tusinaysaa in aysan si bilaash ah ku iman ee ay ku timid darbi weyn oo Soomaali kali ah jabin wayday balse lagu jabiyey dadaalkeenna iyo iskaashiga aan la leenahay saaxiibbada caalamka," ayuu yiri.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobaya ayaa 1-dii December, 2023 waxa uu xayiraadda hubka ka xayuubiyey Soomaaliya taasoo soo afjartey go'doomin taagmeyd 31-sano.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM