Ra'iisul Wasaare Xamse oo magacaabay xubno ku biiraya xukuumadiisa

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnahan wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno wasiirro ah, sidda ku cad wareegto kasoo baxdey xafiiskiisa.

Cabdikariim Cabdow Xaydar, wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada, halka Axmed Jaamac Cumar, wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:

Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay:

Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday:

Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

1) Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
2) Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM