RW Xamse: 3 Milyan oo Soomaali ah oo shalay addoonsi ku jiray ayaa maanta xor ah

Image
RW Xamse ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland inay qeyb libaax ka qaataan dagaalka 'AS'.

KISMAAYO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo, isagoo kala hadlay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland inay qeyb libaax ka qaataan dagaalka, gaar ahaan wajiga labaad oo uu sheegay inuu dhawaan bilaaban doono.

“ِAbaabulka Shacabka iyo Fatwada Culimada waxay horseed u ahayeen guusha laga gaaray ‘AS’, kuwaas oo laga xoreeyay 80 degmo iyo deegaan, lana xoreeyay 3 Milyan oo Soomaali ah oo shalay addoonsi ku jiray”. Ayuu yiri RW Xamse.

Xamse ayaa intaa ku daray in dadaallada dowladda aysan ku koobneyn dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo kaliya, balse ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidamada Soomaaliya iyo bixitaanka “ATMIS”.

"Waxaan tababar dalka dibaddiisa ku siinay in ka badan 15,000 oo askari, waxaana dib ugu soo celinay dalka, iyagoo haatan diyaar u ah ka qayb qaadashada dagaalka 'AS'." ayuu raaciyay.

Dowladda ayaa wajahaysa caqabado dhowr ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la joojiyay inta badan howlgaladii ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM