"Saraakiil loo haysto musuq" oo laga soo xiray garoonka Muqdisho

Image
Saraakiishan oo magacyadooda aan lasoo bandhigin ayaa qeyb ka ah "shabakadan ballaaran oo is-dabamarintan wadda".

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasoo xiray shan sarkaal oo looga shakisan yahay musuqmaasuq, sidda laga soo xigtey warbaahinta dowladda.

Sidda ku xusan bayaankan oo uu faafiyey telefishinka ku hadla afka dowladda, saraakiishan oo magacyadooda aan lasoo bandhigin ayaa qeyb ka ah "shabakadan ballaaran oo is-dabamarintan wadda".

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay "Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya".

"Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir ayaa kaddib howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyey garoonka Aadan Cadde ee magadaalada Muqdisho waxa uu gacanta ku dhigay shan sarkaal oo kamid ah shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay musuq-maasuq iyo wax-is-dabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsataya dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha".

"Xafiiska xeer-illaaliyaha guud ee Qaranka oo Kiiskan kooxda la wareegay ayaa diyaarinaya dacwad-oogista eedeysanayaasha iyada oo xubnaha hadda kujira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan Caddaaladda. Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale oo katirsan Shabakaddan ku eedeysan musuqa," ayaa lagu soo xiray.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar ku saabsan in dowladda federaalka ay xil u magacowdey sarkaal horey loogu xukumay in uu xaday xoolo dadwayne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM