Sharciga dawada Soomaaliya oo markale eber laga soo bilaabay

Image
Sharcigan ayaa la sheegay in dib loosoo celiyay "sababo la xiriira dano siyaasadeed iyo kuwa ganacsi".

MUQDISHO, Soomaaliya - Sharciga dawada Soomaaliya oo golaha wasiiradda ka gudbay xilligii uu Ra'iisul Wasaaraha ahaa Cumar Cabdirishiid, islamarkaasna gaaray illaa akhrinta sedexaad ee baarlamaanka ayaa markale la sheegayaa in dib looga soo bilaabay meel eber ah, sidda ay muujinayaan warbixinadda soo baxaya maalmihii dambe.

Sidaa waxaa laga hor-sheegay guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare oo warbixino ka dhagaysanayay wasiirka caafimaadka iyo saraakiil wasaaradda ka tirsan.

Sharcigan ayaa muhiim u ah illaalinta tayada dawada dalka imanaysa, islamarkaasna jaangoyn ku samaynaya nooca daawada, meheradaha loo ogolyahay in ay daawada iibiyaan iyo shuruudo kale oo caalami ah.

Sidda ay warar aan la xaqiijin ay sheegayaan, sharcigan ayaa dib loosoo celiyay "sababo la xiriira dano siyaasadeed iyo kuwa ganacsi". Wasaaradda caafimaadka wali kama jawaabin arrinkan.

Dr Cabdirisaaq Jaalaludiin oo ah agaasimaha isbitaalka Martiini ayaa guddiga u sheegay in ay wax lala yaabo tahay in tayada alwaaxa iyo tan dawada la doonayo in hal hay’ad wada maamusho.

Talaabadan ayuu sheegay in aysan jirin meel dunida ka mid ah oo ay ka jirto. Hadalkan wuxuu iftiiminayaa in ay jirto sababo gaar ah oo laga leeyahay dib-u-qorida sharciga.

Xeerkan ayaa waxa uu qorayaa in hay’ad gaar ah oo dowli ah oo gaar ah loo sameeyo maamulka dawada, iyada oo wasaaradda ay lahaan doonto dajinta siyaasadaha guud oo kaliya sida loo sheegay guddiga Aqalka Sare.

"Horey waxaa loo meelmariyay Hay’adda Xirfadlayaasha Caafimaadka oo shatiyada siisa dhammaan shaqaalaha caafimaadka," ayay raaciyeen illo wareedyadda la hadlay warbaahinta.

Dr Jalaaludiin ayaa dhanka kale ka warbixiyay adeegyada caafimaad oo ay bixiyaan isbitaalada dowladda, isaga oo sheegay in isbitaalka Martiini iyo kan Banaadir ay adeegyo gaarsiiyeen dad ku dhow hal milyan oo qof bishii, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in miisaaniyadda dowladda ay wasaaradda caafimaadka kaga jirto meesha ugu hooseysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM