Sheekh Shariif oo baaq kasoo saarey qalalaasaha HirShabelle

Image
Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa warbaahinta la hadlay kadib la kulanka Xasan Sheekh maxamuud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu la hadlay saxaafadda isaga oo ka waramay xaalada guud ee dalka.

Shariif ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyadda ka taagan qeybo kamid ah dalka gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, isaga oo siyaasiyiinta ku waaniyay in ay joojiyaan kicinta.

Dagaalka Al-Shabaab ayuu soo jeediyay in loo midoobo isla markaan dhinac la iska dhigo dhamaan arrimaha kale oo ay kamid tahay khilaafaadka siyaasiga ah.

Mar uu soo qaadey xaalada siyaasadeed ee HirShabelle, Shariif ayaa yiri: "HirShabelle beryahan culeys ayaa ka jira, waxaan rabnaa howsha in dhulka la dhigo oo laga wadahadlo; fadhi iyo wadatashi in lagu turxaan-bixiyo ayaan ku baaqeynaa".

Dhanka kale, Villa Soomaaliya ayaa faafisay qoraal iyo sawirro ay ku sheegeyso in ay ku kulmeen madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif waxyar kadib hadalkan.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo".

"Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM