Shiikh Dirir: "Colaadda intaas halagu ekeeyo".

Image

HAYGEYSA, Soomaaliya - Caalimka Soomaaliyeed, Shiikh Maxamed Cumar Dirir ayaa sheegay in isaga iyo Shiikh Mustafe ay bilawgii dagaalka kala taliyeen madaxda Somaliland.

Culimadaan oo dhawaanahan siwayn dad badani ugu dhaliileen baraha bulshada ayaa la is waydiinayay sababta ay uga aamusan yihiin colaada uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka abaabulayo Oog.

Shiikh Dirir ayaa yiri" aniga iyo Sh Mustafe bilawgii colaada waan la talinay hogaanka si guudna waan u sheegnay in dhiigga oo la daadiyaa xaqdarro ay xaaraam tahay".

Baraha Bulshada ayaa dhawaanahan si wayn uga falceliyay Aamuska culimadii Hargeysa ee caanka ku ahaa in ay Diinta islaamka dadka u sheegaan kana sheekeeyaan taariikhihii lasoo maray.

Hadalka Shiikh Dirir ayaa imaanaya iyada oo maanta maamulka Somaliland ku dhawaaqay Duulaan horleh oo ay ku qaadayaan Laascaanood iyo Buuhoodle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 01:02PM

Itoobiya ka hadashay qorshaha Masar ee Ciidamada ku keenayso Soomaaliya

Xiisadda cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli uu weli taagan yahay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 11:52AM