Shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya oo la furay

Image
Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgaleen madax ka socota hey’adaha Dowladda iyo Beesha Caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Salaax Jaamac ayaa furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen madax ka socota hey’adaha dowladda iyo Beesha Caalamka, ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya.

Qabashadda kulankan ayaa la sheegay in uu daaran yahay "si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa'iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda".

Saalax oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna.

Sidoo kale, Saalax wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxaha Khawaarijtu oo burburiyey ilo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hay’adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM