Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo dib u dhacay

Image

1 September, 2015(GO)-Wasaaradda arimaha gudaha dowladda Fadaraalka Somalia ayaa shalay shaacisay  inuu baaqday shirkii maamulka loogu samayn lahaa gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Wasaarada arimaha gudaha ma aysan caday sababta uu baaqday ilaayo haatan, balse wararka ayaa sheegayain lagu heshiin waayey guddiga farsamada ee shirka oo khilaaf ka jiro.

Guddiga farsamda oo ka kooban 31 xubnood ayaa la sheegayaa in laysku khilaafsan yahay sida loo qaybsan lahaa saamiga shirka.

Siyaasiyiinta gobolada maamulka loo sameynayo ayaa ku adkeystay in gobolka kasta la siiyo saami u qalma.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM