Sidee ayay u kala qeybsadeen DF iyo Dowlad-Goboleedyada 40 kun oo askari Boolis ah?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee Daadajinta Maamulka iyo Tayeeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo socday muddo 3 maalmood ah.

Waxaa shirkaan ka soo qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Taliyeyaasha Boliiska Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, Xafiisyada la talinta Amniga ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, qaar ka mid ah Saraakiisha Boliiska Federaalka ah iyo Saaxiibada taageera Boliiska Dalka.

Ujeedada Shirkaan ayaa aheyd, Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee u qeybinta 40,000 (Afartan Kun) ee Ciidanka Boliika Dalka, taas oo loo qaatay 20,000 (Labaadan Kun) Boliiska Federaalka ah iyo 20,000 (Labaatan Kun) Boliiska Dowlad Goboleedyada.

Heshiiska ayaa waxaa saxiixay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga ee Federaal iyo Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir sida ku xusan warmurtiyeed ay soo saareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM