Sidee ayay u kala qeybsadeen DF iyo Dowlad-Goboleedyada 40 kun oo askari Boolis ah?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee Daadajinta Maamulka iyo Tayeeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo socday muddo 3 maalmood ah.

Waxaa shirkaan ka soo qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Taliyeyaasha Boliiska Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, Xafiisyada la talinta Amniga ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, qaar ka mid ah Saraakiisha Boliiska Federaalka ah iyo Saaxiibada taageera Boliiska Dalka.

Ujeedada Shirkaan ayaa aheyd, Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee u qeybinta 40,000 (Afartan Kun) ee Ciidanka Boliika Dalka, taas oo loo qaatay 20,000 (Labaadan Kun) Boliiska Federaalka ah iyo 20,000 (Labaatan Kun) Boliiska Dowlad Goboleedyada.

Heshiiska ayaa waxaa saxiixay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga ee Federaal iyo Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir sida ku xusan warmurtiyeed ay soo saareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM