Sidee ayuu ku dhacay falkii lagu dilay 10-jirkii Gaalkacyo?

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad u fool xun kadib markii Jimcihii lasoo dhaafay lagu kufsaday 10-jir xilli uu doonayay in uu booqdo gutiga eedadiisa sida ay sheegeen xubno ka mid ah qoyska oo ka dhasahay.

Wiilka yar ayaa ka soo jeeday qoys sabool ah oo guri ka degan xero barakac, ehelkiisa ayaa sheegay in uu guriga uu ku sugna iyo kan uu doonayay in uu aado ay u dhaxeeyeen oo kaliya 11 Mitir.

Muddo saacado ah oo uu maqnaa, qoyskiisu waxa ay bilaabeen in ay ka baadigoobayaan gudaha xerada barakaca ilaa uu roobku ka da’ay, kadibna waxa ay joojiyeen baarista, hoygooda ayayna ku laabteen.

Subaxnimadii Sabtida, qoyskiisa ayaa sii waday dadaallada ay wiilkoodii uga raadinayaan gudaha xerada iyo sidoo kale magaalada, iyaga oo markii dambe meydkiisa ka helay meel u dhow xerada oo ay carruurtu inta badan ku ciyaaraan kubbadda cagta.

Ka dib markii Booliska ay meydkiisa geeyeen isbitaalka, ayaa waxay ogaadeen in la kufsaday ka hor inta aan la dilin, taas oo argagax ku noqotey ehelka marxuumka.

Laamaha amaanka ayaa wali wada barritaanada la xiiira falkan, inkasta oo aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin dadkii ka dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM