Sidee ayuu uga jawaabay Wasiirka Gaashaandhiga eedeyntii loo jeediyay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka jawaabay eedeymo dhawaan loo soo jeediyay xilli uu khudbad ka hor jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka hadlay shaqsiyaad isku dayaya in ay hor istaagaan howlgalka ka dhanka ah argagaxisada, isaga oo ka codsaday ciidamda in ay dadkaas hadal ka dhageysan.

“Waxaan nalaga rabaa inaa u dhaga nuglaan dacayaad walba oo lagu weecinayo dagaalkan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku baaqay in xoogga la saaro la dagaalanka kooxaha argagixisada ah oo aan la dhageysan wax kasta oo carqalad ku noqon kara dagaalka.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya in uu sabab u ahaa dilal loo geystay Taliyeyaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, islamarkaana uu faragelin ku hayo shaqada taliska Ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM